Mid ka mid ah horyaalada ugu xiisaha badan K/Cagta Yurub oo dib loo bilaabay

Horyaalka kubadda cagta dalka Jarmalka ayaa maanta noqonaya, kii ugu horreeyay ee dib u billaabma guud ahaan Yurub, kaddib markii bishii Maarso uu u xirmay cudurka Coronavirus.

Horyaalka Bundesliga oo ay ka harsan yihiin 9 kulan ayaa dhamaan 18-ka koox ay ku hardami doonaan kaalimaha hore, kuwa Champıons League, Yuruba Leage iyo kooxaha hoose oo dagaal u gali doona in aysan u laaban heerka labaad.

Shanta kulan ee galabta lagu furi doono dib u billaabida horyaaka Jarmalka ayaa waxaa ugu adag ciyaarta dhex mari doonta labada koox ee diriska ah ee uu xafiiltanka ka dhaxeeyo, Broussia Dortmund iyo Shalka.

Dortmund kaalinta labaad ayay ku jirtaa, waxay afar dhibic ka hooseysaa kooxda kaalinta koowaad ku jırta ee Bayern Munıch. Bayern oo markeedii sıdeed oo isku xigta quudareyneya in ay horyaalka hanato ayaa Axadda la dheeli doonto kooxda Union Berlin . Naadiga Leipzig oo kaalinta sadexaad ku jıra waxay marti gelin doontaa Freiburg halka Borussia Moenchengladbach, oo waxyar u jırta kaalınta afraad ayaa u safri doonta Eintracht Frankfurt.

Ciyaarahan ayaa caadiyaan waxaa u soo daawasha tagi jiray dad gaaraya 80 kun laakin galabta labadaan koox ayaa ku dheeli doona garoon maran, oo ay kaliya joogaan ciyaartooyda labada dhinac, tababarayaasha iyo kaaliyaashooda iyo guddiyada labada qeyb.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -